Inoo Shaqee (Work For Us)

Maxaynu Nahay ?

Xogta.com waa Warbaahin ka madax bannaan dhinacyada Siyaasadeed iyo kooxaha kala duwan ee ka jira Geeska Afrika, waxayna ujeeedka ugu weyni yahay in  akhristayaasha Soomaaliga ku hadla ay helaan macluumaad ka badan inta ay warbaahinta caadiga ah gudbiso kana gudubsan dhacdo maalmeed, war saxaafadeed iyo wareysi.

Xogta Media wuxuu isku dayayaa inuu lafa-guro, dhiraandhiriyo soona bandhigo, warka iyo salkiisa, dhacdada iyo sababaheeda iyo xogaha ku dhex qarsoon wareegga dhacdooyinka iyo wixii soo cusboonaada, tiiyoo la dhowrayo xeerarka Saxaafadda iyo anshaxa ay ku howlgasho Warbaahinta caalami ahaan iyo gobol ahaanba.

Hadaba Shabakada Xogta Media waxa ay u baahan tahay shaqaale cusub oo ka mid noqda bahda Xogta.com  ee howsha balaaran u haya Bulshada Soomaaliyeed. Hadii aad dooneyso inaad la shaqeyso Xogta Media fadlan eeg sharuudaha ku horyaala, islamarkaana inagala soo xiriir xogtainc@gmail.com

SHARUUDAHA LAGAAGA BAAHAN YAHAY:

  • Inaad kasoo baxday ugu yaraan Dugsi sarre
  • Inaad si fiican u taqaano luqadaha Ingariiska iyo tan Soomaaliga, hadii aad taqaano luqad kale oo dheeri ka sii ah waxaad leedahay texgelin gaar ahaaneed.
  • Inaad tahay qof agabka shaqada lagaaga baahan yahay si fudud ku heli kara, tusaale ahaan Computer iyo Internet
  • Inaad  leedahay aqoon Saxaafadeed, isla markaana aad sameyn kartid daba-gal wararka la xiriira soona bandhigi kartid xogaha ku duugan warar maalmeedka caadiga ah.
  • Inaad ku nooshahay dalka Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Hadaba hadii sharuudahaas ay yihiin kuwa aad ka soo bixi karto fadlan email inoogu soo dir xogtainc@gmail.com haddii aad ka mid noqoto dadka aan u xulano inaan wareysi shaqo la yeelano waan kula soo xiriiri doonaa Insha Allah.