Gudoomiyaha Madasha Horusocod, Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa ka hadlay sababta loo dhisay Madasha Horusocod, oo bilowgii toddobadkan sida la sheegay looga dhawaaqay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.

Madashan, ayaa waxaa la sheegay in ay ku mideysan yihiin Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, oo iyagu qorsheynaya in ay u xusul-siibtan xisbi qaran.

Tan iyo markii ay soo baxeen wararka sheegaya in la dhisay Madasha Horusocod, ayay dadka Somaliyeed bilaabeen in siyaabooyin kala duwan kaga hadlaan.

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo Khamiistii shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madasha Horusocod tahay mid siyaasadeed, lana doonayo in lagu mideeyo Xildhibaanada Labada Aqal.

Wuxuu intaa ku daray in Madasha Horusocod ay u furan tahay dhammaanba bulshada Somaliyeed, sida aqoonyahanada, ganacsatada, bahda Saxaafadda, siyaasiyiinta iyo cod kastoo dooneysa in ay xubin ka noqoto.

Xildhibaan Xidig, ayaa meesha ka saaray in ay yihiin madal mucaarad ah, oo hadafkeeduna yahay in ay wax burburiso, balse ay yihiin kuwo doonaya in aragtidoodu wax ku dhisaan.

DHAGEYSO XILDHIBAAN XIDIG

Loading...