Maxaa Looga Hadlay Kulankii Dhexmaray Farmaajo Iyo Xildhibaanada Habar Gidir?

Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa saacadihii ugu dambeeyay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Beesha Habargidir.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxay Xildhibaanada ka wada hadleen dagaal beeleed Sabtidii ka soo cusboonaday Bariga Gobolka Galgaduud iyo sidii lagu joojin lahaa colaadda beelahaasi.

Xildhibaanada Beesha Habargidir, ayaa la sheegay in kulankan ay iyagu codsadeen, iyagoona Madaxweynaha Somaliya u soo bandhigay in dowladdu ka qayb qaadato xal u helidda colaadan.

Suldaan C/laahi Cabdulle Wehliye oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Habargidir, ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanada Beesha Habargidir ay codsadeen kulankaasi.

Labada dhinac, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay isu raaceen in Odayaal Dhaqameedyo loo diro Magaalada Dhuusamareeb, si ay nabadayn uga dhex bilaabeen labada beelood.

Madaxweynuhu wuxuu ballanqaaday in dowladdu fududayn doonto wax kasta oo kaga xiran nabadaynta beelaha, sida in ay bixiso dhaqaalaha ku bixi kara nabadayntaasi.

Loading...