Hamiga Farmaajo Iyo Hagardaamada Kheyre {WAX BADAN OGOOW}

Markii Lagu dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Soomaliya 8/02/ 2017; guud ahaan dalka waxaa ka dhacay dabaal dagyo iyo soo dhaweyn lagu soo dhaweynaayo natiijada Hogaanka Cusub iyo madaxweynaha JFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Inta badan shacabka soomaliya waxeey ku tuhmaayeen madaxweyne Farmaajo  Shaqsi wadani Ah waxna ka badali karo xaalada  cakiran ee uu dalka ku jiro, Sidoo kale Natiijada waxaa soo Dhaweeyay siyaasiyiin iyo isbaheysigii isbadal doonka ahaay. kuwaas oo Maamulkii Xasan Sheikh ku Dhaliilsanaay Siyaasad macangagnimo iyo kooxeysi ku dhisan. balse soo dhaweyn kaliya Looguma Simine Shiishkana waa la saaray.

Xilka Wasiirka koowaad oo ah awooda labaad ee Dalka ahna  hey’ada wax Dhaqaajisa ayaa Keentay in Madaxweynaha cusub  Shiishka la saaro lana dhowro qofka uu madaxweynaha u Igman lahaay xilkaas. ka dib loolaan iyo lagdan fara badan oo u dhaxeeyay musharaxiin Gaaraya 20 oo isku soo sharaxay xilka wasiirka koowaad  ayuu madaxweyne Farmaajo xili Waabari ah Shacabka Hurdada kaga jafay ku dhawaaqista xasan cali kheyre oo ah nin dhalinayaro ah inuu noqdo Wasiirka Koowaad ee xukuumada Soomaliya. khudbad dheer uu ka hor akhriyaya galaha shacabka  oo iskugu jirtay balan qaadyo fara badan iyo wax qabad ayaa durbadiiba keentay in Baarlamaanka cod aqlabiyad leh siyaan R/wasaare kheyre waxeyna u sheegeen ineey uga Fadhiyo inuu soo dhiso xukuumad tayo leh….wada tashiyo balaaran oo uu la yeeshay Madaxweynaha iyo beelaha Soomaliyeed ayuu R\wasaare kheyre soo magacabay xukuumad Ka kooban Dhowr iyo 60 Wasiir. Una badan xildhibaano…. baarlamanaka ayaa mudo u qabtay inuu R\wasaaraha Xukuumadiisa hor keeno Golaha shacabka si Codka kalsoonida loogu qaado. Xifaaltan ku saleeysan saluugsanaan ay saluugsanayeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka waxaa marki Danbe lagu guuleystay in baarlamaanka si macbileysan loo Mariyo xukuumada Cusub.

BOQALKII MAALIN EE FARMAAJO IYO  KHEYRE

Boqolka Maalin Ee ugu horeeyso dowlada waa fursada socod baradka hogaanka curdunka ah Balse u baahan farsamo dhiiran iyo is badal Qeexan oo fagaaraha la yimaado. Sidoo kale Boqolkaas maalin waxey xeel dheerayaasha ku tilmaamaan Halbeega laga cabir qaadan karo Qorshaha fog ee dowlad cusub . Hadii ay Dowladi boqolkeeda maalin ee ugu horeeyo Ay la timaado habacsanaan waxaa la oron karaa waa hogaan habacsan.

BOQOLKA MAALIN EE FARMAAJO

Aan ku bilaabo boqolka maalin ee ugu horeeyay madaxweyne Farmaajo waxuu ku soo Dhamaaday ififaalo muuqdo iyo wax qabad daaha ka rogan oo aan laheen muran iyo is qab Qabsi marki laga reebo Qorshahii dhisida ciidanka qaranka ee ay baarlamaanka farta ku Godeen balse marki danbe laga qanciyay. in kastoo ay jiraan qaladaad badan Oo ka  dhacay Madaaxweyne Farmaajo Hadana waxaa loogu garaabi karaa maamulka oo ah Muluq aan lagu Dhiiran karin in dhaawacyo loo yeelo iyo madaxweynaha oo asiga naftirkiisa Fadhi barad ah, Balse marki loogu cabiro maalamaha boqlka ah iyo howsha uu qabtay Madaxweynaha  waxaa La Oron karaa waa natiijo wanaagsan oo bilaaw u noqon karto shaqada u harsan Madaxweynaha Ee looga fadhiyo…. Wax qabadka madaxweyne Farmaajo waxaa laga xusi Karaa

  1. Dib u habeynta dhamaan hogaanka Ciidmda Qalabka sida
  2. Dib u habeynta Maamulka gobolka banaadir
  3. Madaxweynaha Waxuu soo celiyaya Mudadii yareed uu xafiiska joogay Heykalkii dowladnimo Waxuuna dowladaha darsika kula macaamilay hanaanki Qaranimada Dalka ee horay loo aqiinay.
  4. Madaxweyne Farmaajo Waxuu dajiyay Qorshaha Dhismaha Ciidnaka Qaranka Soomaliyeed,Qorshahaan oo dhamaan si wada jir ah ay uga wada  shaqeyn doonaan  Madaxda maamul goboleedyada iyo Dowlada dhaxe
  5. Qaadista isbaarooyinka yaalay wadooyinka soo gala Caasimada muqdisho

BOQOLKA MAALIN EE KHEYRE

Ayadoon wax dab ah la shidin ayaa halmar Qiic is qabsaday Golaha wasiirada. Maalmo yar ka Dib marki ay xilka la wareegeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa halmar Qeylo dhaan ka Soo yeertay xafiiska hanti dhowrka qaranka. qeyla dhaantaas waxeey salka ku heysay is qab Qabsi ka dhex aloolsamay R/wasaare kheyre iyo Wasiirka Maaliyada Beyle. Arinta is qab Qabsiga ayaa ku saleysneed Qaabka Canshuur dhaafka.. Waxaana uu Wasiirka Maaliyada ku Eedeeyay in uu soo fara galiyay R/ wasaare kheyre Howlaha Wasaarada Maaliyada. Hanti Dhowrka ayaa sharci daro ku tilmaamay in uu Kheyre la Fara galiyo wasiirka howlaha Wasaaradiisa. arinkaas waxuu noqday  Bar madoow ee ka soo Baxday R/wasaare kheyre.

Mashaqooyinka uu Kheyre ku Dhex raftay waxaa ka mid ahaay Shaqaalaha Rayidka oo Runtii ahaay Geesiyaal u soo dhabar adeegay Xaalad Amni Daro iyo Mid Dhaqaale Xumo inuu Si sharci Daro ah uu shaqo joojin ugu sameeyay. Ayagoo aan la bixin Qaanti shaqaalaha Rayidka kaga maqneed  dowlada oo. Qaantaas oo aheed mushaar shaqalaha rayidka kaga maqnaay dowlada mudo sanad ah.

Boqolka Maalin Waxaa Logoa fa’ideysan karay dhismaha qorshaha amniga iyo ka howlgalkiisa Laakin midaas badalkeeda waxuu Kheyre Juhdi galiyay shacabka inuu Daaqadaha iska tuso Asigoo Dibin daabyo hoose ku haayo Beelaha Qaarkood. Xildhibaan Aan la hadlay ayaa ii Sheegay inuu Kheyre sameystay Xildhibaano Asiga ku reera ah oo Magafayaal Ah. kana mid ah labada aqal ee baarlamaanka. Ma jirto ilaa Hada wax qabad Cad oo uu R/wasaare Kheyre Miiska Soo Saaray Boqolka maalin ee ay xukumadiisa jirto marki Laga reebo Qorshaha Sugida amniga Caasimada uu Maalmihi ugu danbeeyay uu ka dhawaajiyay Balse ilaa hada Ah warqado maalin soo baxay oo kaliya.

Waxaa Baryahaan danbe Dadka dhagahooda ku batay erayga Musuqmasuqa iyo la dagaalanka musuqmasuqa, Dadka Cilmiga Leh waxeey is weydiinayaan musuqa ma Hey’ado ayaa lagula dagalamaa mise microphone Munaasabadaha laga sheego Ayaa lagula dagaalamaa. Mideey tahayba Waa Su’aal?

GUNAANAD

Hanka Shacabka iyo siyaasiyiinta ay ka qabeen  Farmaajo ayaa  ahaa is badal dhanka Maamulka iyo dhinaca siyaasada balse sida muuqato  waxaa xagal daaciyay R/wasaare kheyre Oo isku mashquuliyay dhisida xildhibaano uu iskaga qariyo  boorka iyo rafka ka dhasho gacan bidxeeynta iyo hagardaamada uu ku haayo qabiilada iyo hey’adaha dowlada.

WQ: Cismad Aynte
Helsinki, Finland

Loading...