Dagaal Dhex Maray Ilaalada Villa Soomaaliya Iyo Taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir.

Col. Saadaq Xasan Cali

Is rasaaseyn u dhaxeysay Ilaalada Madaxtooyada iyo Ilaalada Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir Col. Saadaq Cumar Xasan ayaa goor dhow ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee degmada Xamar Weyne.

Is rasaaseynta ayaa timid, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay labada Ilaalo, waxaana Ilaalada Madaxtooyada oo sugeysay ammaanka xarunta ay u diideen Taliyaha Nabadsugida in gaarigiisa uu gudaha galo, balse muran ka dhashay darteed ay labada dhinac rasaas uga dhex bilaabatay.

Illaa labo askari ayaa la sheegay inay ku geeriyootay is rasaaseynta, halka labo kalena ku dhaawacantay inta la ogyahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in is rasaaseynta oo muddo socotay ay khal khal gelisay xarunta dowladda hoose oo ka socotay Munaasabadda 15 May oo lagu wado in caawa uu ka qeyb galo Madaxweynaha.

Xaalada ayaa haatan degan, waxaana dib u bilowday xaflada oo markii ay is rasaaseynta bilaabatay lagu kala cararay.

Si kastaba ha ahaatee, ammaanka Xarunta Aqalka dowladda Hoose ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Ilaalada Madaxtooyada ay xireen wadada gasha xaruntaasi waxaana arrintaasi shaqo ku leh Taliyaha Nabadsugida gobalka Banaadir oo u xil-saaran sugida ammaanka Muqdisho waxayna arrintaan fashilineysaa nidaam-darada haysata Madaxtooyadda Soomaaliya oo aan garaneyn shaqadii ay u xil-saarnaayeen.

Loading...