Agaasime Loo Magacaabay Villa Soomaaliya Oo Hoos U Dhigtay Awoodii Cabdirisaaq Shoole.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasime kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada, kaasoo ka mid noqonaya Agaasime kuxigeenada Madaxtooyada.

Agaasime ku-xigeenka xilka loo magacaabay ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Aadan Kulane, inkastoo aan si rasmi ah u helin qeybta uu qaabilsanaan doono, hadana Madaxtooyada ayaa xilliyadii hore laheyd labo agaasime ku-xigeen.

Magacaabista Agaasime kuxigeenka koowaad ee Madaxtooyada, ayaa ku soo aadeysa, iyadoo beryahan ay jirtay xurguf u dhaxeysay Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle iyo Agaasime kuxigeenka C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada kuna xiran Fahad Yaasiin oo ah ninka Farmaajo u saamaxay inuu noqdo Madaxweyne.

C/llaahi Kulane ayaa noqonaya Agaasime kuxigeenka 1aad ee Madaxtooyada, isagoo u dhaxeyn doona Abuukar Baalle iyo Shoole, maadaama labada nin maalmahan isku hayeen awooda Madaxtooyada, laguna wiiqo awooda Shoole oo ku xiran Fahad Yaasiin oo ah ninka Farmaajo u saamaxay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyada Abuukar Baalle ayaa howshiisa noqon doonta mid siyaasada iyo arrimaha dibadda, halka labadiisa kuxigeen ay kala qaabilsanaan doonaan shaqooyinka gudaha Madaxtooyada, sida maamulka maaliyadda, shaqaalaha iyo howlaha kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya C/llaahi Aadan Kulane lagu bedelay Cabdi Muxumed oo ka mid ahaa Agaasime kuxigeenadii Madaxtooyada illaa xilligii Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Lama oga magacaabista Agaasime kuxigeenkan cusub inay qeyb ka tahay xalinta khilaafka u dhaxeeyay labada nin ee isku hayay awooda Madaxtooyada, waxaase la ogyahay in labada ninba Madaxweynaha agtiisa ay ku weyn yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la wareegay xafiiska waxaa is bedel lagu sameynayay hanaanka maamul ee Madaxtooyada, iyadoo la wada bedelay dhamaan wixii maamulka Madaxtooyada hayay ka haray dowladdii hore ee Xasan Sheekh.

Loading...