Counselor Ali Bagadi Oo Ka Tacsiyeeyay Geedida Wariye Mm Macalin Oo Nairobi Ku Geeriyooday.

Sii hayaha xilka Safiirnimo ahna Counselor-ka Safaarada Somalia ee Kenya Ali Mohamed “Ali Bagadi” ayaa ka tacsiyeeyey Allaha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Macalim ( MM Macalim) oo kamid ahaa Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo maanta isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyoodey barina lagu aasi doono Nairobi.

Wariye MM Macalim ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho hase ahaatee dhowaan ayaa loo qaaday dalka Kenya si halkaas loogu soo daweeyo, isagoona maanta ku geeriyooday isbitaalkii lagu dabiibeyay.

Allaha u naxariistee, Wariye MM Macalim ayaa kamid ahaa rug cadaayaasha Saxaafadeed ee fara ku tiriska ah oo ka haray Wariyeyaashii hore ee Radio Muqdisho oo sanadahaan dambe ka howlgalayay Warbaahinta dowladda.

Loading...