SAWIRRO: Ciidamo Isbaaro Dhigtay Oo Lagu Soo Bandhigay Muqdisho.

Taliska Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo bandhigay 5 askari oo hubeysan, kuwaasoo isbaarooyin dhiganayay inta u dhaxeysa degmada Afgooye iyo deegaanka N0 50, kaddib howl gal ay sameeyeen ciidanka xoogga dalka.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi Cali Caanood oo wariyeyaasha kula hadlay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in raggan ay ahaayeen kuwo dadka dhacayay, isla markaana ay fuliyeen amarkii Madaxweynaha ee ahaa in lala dagaalamo kooxaha caadeystay inay dadka jidgooyo u dhigtaan.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa burcad kasta oo hubeysan ama magac ciidan ha wadato ama magac shacabka ha wadatee in aan loo saamaxeynin in dib dambe shacabka Soomaaliyeed u dhibaateyso,” ayuu yiri abaanduulaha ciidanka xooga dalka.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa sheegay in howlgaladan  ay qeyb ka yihiin amarkii madaxda dalka oo ahaa in ragga isbaarooyinka dhigta loola dagaalamo sida Al-shabaab loola dagaalamo, isagoona xusey in dhowaan sidoo kale 11 nin oo lagu soo qabtay howlgal isbaaro la dagaalan ah ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Sidoo kale, howlgalo lagula dagaalamayay burcadda dhigata isbaarooyinka ee laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe lagu diley afar kamid ah burcaddaas oo hubeysaneyn.

“ Afar casho ka horna  gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan degmada Cadale,waxaan ku dilney afar nin oo burcad ah oo hubeysan oo ay la dagaalamay ciidamadii,”  ayuu markale sheegay abaanduulaha.

Janaraal C/laahi Cali Caanood abaanduulaha ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale waxaa uu intaa ku daray in howlgalka lagu diley afarta burcadda ah ay sidoo kale goobta ka baxsadeen 12 nin oo kale kuwaas oo hadda ku dhuumaaleysanaya dhulka howdka ah.

Ugu dambeyn Abaanduulaha ayaa sheegay in lala dagaalamayo cid kasta oo dadka dhibaateysa, hadii ay diidaan inay is dhiibaan la dili doono.

 

Loading...