Sarkaal Ka Tirsan Villa Soomaaliya Oo Xabsiga La Dhigay {AKHRISO SABABTA}

Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xaqiijiyay in la xiray Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Somaliya, oo lagu magacaabo C/shakuur Mursal Maxamed.

C/shakuur Mursal Maxamed, ayaa waxaa loo haystaa in 24-kii bishii April gaari uu waday in afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada uu ku jiiray marxuum Tahliil Jimcaale Hubane.

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa xaqiijiyay in Maxkamadda ay soo gaartay cabasho kaga timid ehelada marxuumka.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in cabashada ka dib la bilaabay baaritaan ku aadan dilka uu gaystay ninkaasi, ugu dambeena la soo xiray.

Sarkaalkan, ayaa wade ka ahaa mid ka mid ah gaadiid lagu galbinayay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagey Magaalada Baydhabo.

Korneyl Shuute oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA, ayaan kala cadayn in Maxkamadda la horkeeni doono eedeysanaha iyo in kale.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa horey Xarunta Villa Somalia ugu qaabilay ehelada Marxuum Tahliil, isagoona u sheegay in baaris lagu samayn doono dilka uu gaystay Sarkaalkaasi, waxuuna tilmaamay in isaga aan Shaqo ku laheyd dilka dhacay laguna xisaabtamayo qofka ama shaqsiga gaystay iyo eheladiisa.

Loading...