Dowlada Mareykanka Oo Ciidamo Dheeraad Ah Usoo Direysa Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay ciidamo dheeraad ah u soo direyso Somaliya si loogu guuleysto dagaalka ay dowladda Federaalka iyo Amisom kula jiraan Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Mareykanka Jim Mattis, ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’an tahay guul laga gaaro dagaalka Al-Shabaab.

Jim Mattis, waxa uu sheegay in hadda ay Mareykanka ciidamo ka joogaan Somaliya islamarkaana ay dowladda Federaalka iyo Amisom ka caawiyaan talabixinta iyo kaalmeynta dagaallada qaar.

Waxa uu xusay in Mareykanka uu 50 Askari oo dheeraad ah u dirayo Somaliya haddii uu codsi rasmi ah Mareykanka ka helo dowladda dagaalka kula jirta Al-Shabaab ee Somaliya.

Waxa uu xusay in go’aanka Ciidamada dheeraadka ah loogu dirayo Somaliya uu ku horumari doono Aqalka Cad ee uu ka taliyo Trump kadibna ay waaxda difaaca shaqadeeda qabsan doonto waxaase uu xusay in marka hore dowladda Federaalka ee Somaliya laga sugayo codsi arrintaas la xiriira.

Bishii April Dowladda Mareykanka ayaa 40 Askari u soo dirtay Somaliya, waxaana ay sheegtay in dowladda Somaliya ka caawin doonaan la talinta iyo tababarrada Ciidamada Somaliya ee Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Loading...