DHAGEYSO: Gaafoow Oo Si Kulul Ugu Hadlay Dilka Uu Gaystay Darawalkiisa.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa ka hadlay dilka lagu eedeeyay in uu gaystay darawalkiisii.

Darawalka oo lagu magacaabo Faarax Cali Nuur, ayaa waxaa laba habeen ka hor la sheegay in Magaalada Muqdisho uu ku dilay Agaasimihii Guud ee Maxkamadda Sare Dalka, Mursal Cumar Cismaan.

General C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa sheegay in uu maqlay wararka ay baahinayso Warbaahinta, waxaana uu ku sheegay wax lagu dhibaayo dalka iyo dadkaba, sida uu yiri.

Wuxuu sheegay in Faarax Cali Nuur uu yahay darawalkiisa oo muddo dheer la soo shaqaynayay, isla-markaana uu dilay nin ay wada deganaayen hoygiisa oo ku yaala Degmada Waaberi. Waxaa uu intaa ku daray in dilka ka dib uu baxsaday, balse ay gacanta ku soo dhigeen, ayna ku wareejiyen Hay’adda Nabad Suggida, si cadaaladda loo horgeeyo.

C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa tilmaamay in xiriir ay la sameeyen ehelada marxuumka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay ku wargeliyen in ay u soo qabteen dembiilaha, haddii ay dili lahaayen iyo haddii ay magdhow qaadan lahaayenba. Wuxuu sheegay in ehelada ay u sheegeen in ay suggayan aabaha dhalay marxuumka, ayna ku kala taggeen in la suggo aabaha marxuumka.

Bannaanbixii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, ayuu C/laahi Gaafow Maxamuud ku sheegay wax siyaasadeysan. Bannaanbaxayaasha ayaa Xukuumadda Somaliland ka dalbaday in loo soo diro diyaarad ay meydka ku qaataan, ka dib markii ay sheegeen in si xun uu ula dhaqmay Taliyihii hore ee Nabad Suggida, isla-markaana aanay cadaalad ka jirin Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxayaasha, ayaa Ra’iisal Wasaare Khayre ku eedeeyay in uu difaacay gacan ku dhiiglaha, iyagoo taasi qiil uga dhigaya in uu ku heyb yahay.

General Gaafow oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal, ayaa hoosta ka xariiqay in dilka uu gaystay darawalkiisii aanu waxba ka khuseynin Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Loading...