C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa sheegay in cabashada ka dhalatay maqaamka Gobolka Banaadir, ee aan la kala cadayn uu gaarsiin doono Dowladda Dhexe.

Taliyaha oo Khamiistii ka qaybgalay shirka ka soconaya Magaalada Muqdisho, laguna raadiyo xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir, ayaa sheegay inaanu shirkan ka marmayn mucaaradada Dowladda Somaliya.

Taliyaha, ayaa waxaa uu sheegay ka maqnaanshaha Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi Maxamed, in ay ka turjumeyso sida shirkan loogu mucaaradsan yahay dowladda.

Beelaha Gobolka Banaadir degga, ayuu ugu baaqay in ay shirka uga dambeeyan Wasiirka Amniga iyo Duqa Magaalada Muqdisho, isagoona ballanqaaday in Madaxda Qaranka uu gaarsiin doono cabashadooda, lana maqli doono, sida uu yiri.

Taliyaha NISA, ayaa qiray haddii bulshada reer Muqdisho ay ku kacaan dowladda inaanay hal habeen dowladdu jooggi karin Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Waxaa uu intaa ku daray haddii dowladda iyo reer Muqdisho iska horyimaadan, ay dowladdu burburi doonto.

Sanbaloolshe, ayaa soo hadalqaaday in Magaalada Muqdisho ay tahay mid ka wada dhaxeysa umadda Somaliyeed oo idil, sidaasi daraadeedna uu beelaha Muqdisho ugu baaqayo in si xasilooni ku jirto, ay ku raadiyan maqaamka Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, 4-tii bishan, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho la dhigay gogol lagu raadinayo xuquuqda la duudsiiyay Gobolka Banaadir, maadaama dalka uu qaatay Nidaamka Federalismka, Maamul Goboleedyana lagu soo dhisay.

HALKAAN KA DHAGEYSO

Loading...