Al-Shabaab Oo Caawa Toogteen Sarkaal Iyaga Ka Tirsanaa Oo Farmaajo Xiriir Wanaagsan La Lahaa.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa caawa Deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ku toogtay Sarkaal iyaga ka tirsanaa, ka dib markii ay ku eedeeyen in uu khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray C/laahi Cali Shire (Baxar), ayaa waxay Shabaabku ku dhex toogteen xarun ay ku leeyihiin Deegaanka Ceelcadde, oo 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Ceelcadde ka taagnaa khilaaf u dhaxeeyay Sarkaalkan iyo Saraakiisha kale ee Ururka Al Shabaab, xilli lagu eedeeyay in uu waday abaabul uu maleeshiyada Al Shabaab uga dhaadhicinayo in ay isu dhiiban Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

C/laahi Cali Shire oo ku heyb ah Madaxweyne Farmaajo, ayaa la sheegay in uu ku hawlanaa, sidii maleeshiyada ay isu heybta yihiin uga bixi lahaayen mintidiinta Al Shabaab.

Dadka deegaanka, ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay jareen isgaarsiinta, wax yar uun ka dib markii ay qaarajiyen C/laahi Baxar, oo ka mid ahaa Saraakiisha Shabaabka Gobolka Gedo ee dhinaca dagaalka jabhaynta. Shabaabka ayaa mar dambe isgaarsiinta fasaxay.

Ilo wareedyo, ayaa Xogta Media u sheegay in Shabaabku ay hub ka dhigis ku sameeyen maleeshiyadii ku heybta ahayd Sarkaalka caawa la dilay.

Si kastaba ha ahaatee, Shabaabka, ayaa ku caan baxay in ay qaarajiyan xubnaha iyaga ka tirsan, kolka ay garowsadan inaanay ka sii mid ahaan Al Qaacidada Somaliya.

Loading...