SAWIRRO: Nin U Dhashay Dalka Iran Oo Aad Ugu Muuqaal Eg Lionel Messi.

Booliiska dalka Iran ayaa xiray arday  muuqaalkiisa uu aad ugu egyahay ciyaaryahanka caanka ah ee kooxda Barcelona Lionel Messi.Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay sawiro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaarigiisiiba geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo ku soo buuqay goob uu ku sugnaa.

Mushkiladda ayaa bilaabatay bilooyin ka hor markii aabaha dhalay ninkan u eg Messi uu wiilkiisa ku qalqaaliyay in uu sawiro ku galo funaanadaha uu ku dheelo Messi ee ay dhabarka kaga qoran yihiin magaciisa iyo lambarka tobnaad ee uu ku dheelo. Wiilkan 25 jirka ah ayaa intaas ka dibna billaabay in uu timaha u jarto sida Messi garkana sii daysto.

Wakaaladda wararka ee AFP ayuu u sheegay in ay hadda dadku u arkaan Messi-gii reer Iiraan marka uu meelaha bulshadu ku badan tahay uu tago ninkan dhalinyarada ah ayay dadku aad u yaabaan.

“Waan ku faraxsanahay in aragtidayda ay ku farxaan, farxaddaas ayaana dhiirigalin badan ka helaa”. Warbaahin badan ayaa ka dalbatay in ay waraysi la yeeshaan, qandaraasyo xayaysiin dhar ayuuna helay.

Parastesh ayaa jecel ciyaarista kubbada cagta hase ahaatee weli uma safan koox rasmi ah, balse waxa uu haatan baranayaa farsamada Messi.

Wiilkan ayaan iloobin kulankii ugu dambeeyay ee ay wada ciyaareen xulalka qaranka Iran iyo Argentina tartankii Koobka Adduunka ee 2014,waxana uu Messi ka dhaliyay xulka Iran daqiiqadii 91aad gool uu xulka Iran ugaga haray wareega 16ka.

Parastesh aabihii ayaa ah nin maad badan waxana uu talefan u direy markii ay ciyaarta Iran iyo Argentine dhamaatay wiilkiisa waxana uu ku yiri;

Parastesh oo qoslaya ayaa aabihii ugu jawaabay.”Aabe ma banaankaan seexdaa aniga ma ahayn kan goolka ka dhaliyay kooxda Iran.”

Loading...