Guddoomiye Jawaari Oo Si Weyn Ugu Dhagan Beesha Caalamka.

Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa Beesha Caalamka ugu yeeray inaanay soo fara-gelin Somalida, marka ay dib u heshiisiin iyo dastuurkeeda samaysanayso.

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in Somalida ay geed hoostiisa ku xalisato arrimaheeda gaarka, isla-markaana aan Beesha Caalamka looga baahnayn in fara-gelin ku soo samayso.

Gudoomiyaha, ayaa soo hadalqaaday in beelo ku dagaalamay mid ka mid ah gobolada dalka, ay Qaramada Midoobe soo fara-gelisay dib u heshiisiinta beelahaasi.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka duulaya fara-gelinta Hay’adaha Qaramada Midoobe, ayaa xusay in ay wareeriyeen Somalida.

Beesha Caalamka oo si buuxdo ugu lug leh Siyaasadda Somalida, ayaa soo fara-geliso kolka uu khilaaf soo kala dhex galo Madaxda Somalida.

Beesha Caalamka, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in ay qayb ka tahay arrimaha murugsan ee dalka ka jira, xilli ay sheegato in Somalida ay ka caawinayso dib u dhiska dalkooda.

Loading...