SAWIRRO: RW Khayre Oo Furay Shir Looga Hadlayo Horumarinta Isgaarsiinta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay shir looga hadlayay horumarinta Isgaarsiinta dalka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, waxana ka qeyb galay Wakiilo ka socday Maamullada dalka iyo Masuulyiinta Shariikadaha Isgaarsiinta, iyadoo shirkan uu socon doono muddo saddex cisho ah laguna falanqeyn doono arrimo muhiim u ah Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada dalka.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Cabdi Canshuur Xasan oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay Soomaaliya u leedahay Isgaarsiinta casriga ah, wuxuuna xusay in Shirkaani uu yahay kii ugu horeeyey ee ay soo agaasinto Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee lagu falanqeynayo qaabkii loo wajahi lahaa Isgaarsiin caafimaad qabta oo ka shaqeysa horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo furay shirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirto wadamada Africa ee ku hormaray dhanka isgaarsiinta, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadaha la haystana loo baahan yahay in shirkani ay ka soo baxaan tallooyin wax tar u leh Isgaarsiinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay in dawladu ay diyaar u tahay wixii wada shaqeyn ay uga baahan yihiin isgaarsiintu, loona baahan yahay in la yeesho iskaashi iyo isla xisaabtan dhab ah, ganacsataduna ay aaminaan dawladdooda si wadajir loogu gaaro horumarka la higsanayo.

Khayre kula dardaarmay madaxda Isgaarsiinta madaxa banaan inay si masuuliyadi ku jirta ay u gutaan shaqadooda ayna ku dadaalaan sidii ay dalkooda horumarkiisa qeyb uga noqon lahaayeen haddii ay tahay bixinta Canshuuraha iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Loading...