Mahad Maxamed Salaad oo hore u ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale.

Xildhbaanka Mahad ayaa sheegay in xil ka qaadista golaha wasiirada ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu degdegay, isla markaana aan sharci ahayn.

Xildhibaanka oo Saaxiibo dhow yihiin Ra’iisal wasaaraha ayaa baraha bulshada ku shaaciyay farriin uu garab istaagay hanti dhowraha xilka laga qaaday.

“Xilka qaadista Hantidhowrka Guud ee Qaranka waa go’aan siyaasadeysan oo lagu deg degay sharcigana baalmarsan!” ayuu farriintiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Si kastaba ha ahaatee, xil ka qaadista Hanti Dhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa keeni karta kacdoon Siyaasaddeed oo ka dhex-dasha laamaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya.

Loading...