Hanti Dhowrkii Guud Oo Cadeeyay In Lagu Amray In Aanu Madaxtooyada Ka Bixi Karin.

Hanti dhowrkii Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in lagu amray in aanu ka bixi karin Madaxtooyada, isla markaana la geliyay xabsi guri, inta uu socdo kiiska baaritaanka dilkii ay geysteen Ilaaladiisa.

Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo qadka taleefanka kula hadlay Wariyaha Jowhar.com ayaa sheegay in aanu soo gaarin warqad lagu amrayo in xabsi guri la geliyay, balse la soo gaarsiiyay fariin ah in aanu ka bixi karin Madaxtooyada oo uu degan yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrintan ay tahay arrin siyaasadeed, isla markaana wixii dhacay ay tahay wax la siyaasadeynayo.

“Madaxtooyada kama bixi kartid ayaa la ii yiri, xabsi guri ayaa la i geliyay,  mana hadli kartid, wax warqad ima soo gaarin, waxaa la ii leeyahay Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax oo intaa ku daray in xataa gaarigiisa la amray in aanu ka bixi karin Madaxtooyada.

Waxaa uu ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka inuu arrinta uu sii fogeynayo, isla markaana siyaasad u adeegsanayo, isagoo si gaar ah u carabaabay in kiisas uu horay ugu dhiibay oo ku saabsanaa dad la soo xirayo uu si hoose u xaliyay, isla markaana musuq maasuqay.

Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in aanu sharci u laheyn inuu xilka ka qaado, waxaa uu horay u sheegay inuu ka hadlay in Ra’iisul Wasaaruhu si qaldan u maamulayo miisaaniyada, taasna ay sharci aheyn.

Dr. Nuur Faarax ayaa ugu dambeyn sheegay in kiiskii dhacay iyo arrinta xil ka qaadistiisa ay isku soo aaday, balse ay jireen arrimo horay u taagnaa, waxa hada socdana ay yihiin kuwo ay siyaasad ka dambeyso.

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka Federaalka ayaa sida dastuurka qabo awood u leh xil ka qaadista Hanti dhowrka Guud, isla markaana Madaxweynaha uu ku soo saarayo digreeto.

Loading...