DHAGEYSO: Maxaa Lagu Xiray Wariyaha TV-ga Universal Ee Jowhar?

Maamulka Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ahaa wakiilka telefishinka Universal ee magaalada Jowhar waxana uu sidoo kale maamulku ka mamnuucay Telefishinka Universal guud ahaan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowlad goboleedka Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay maanta xarunta madaxtoyada Hirshabeelle ayaa sheegay in war been abuur ah uu ka faafiyay taleefishinka Universal kaasoo ahaa in Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London.

“Madaxweynaha Hirshabelle wuu ka qeybgalayaa shirka London mana jirto meel ku sheegay in uu shirkaasi ka qeybgaleyn.”ayuu yiri Mahad Xasan Cismaan Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle.

Wasiirka warfaafinta Hirshabeelle ayaa intaa ku daray in hore dhowr jeer loogaga digey weriye Ismaaciil in uu joojiyo wararka been abuurka ah ee uu ka faafinayo dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Waa markii ugu horeysay ee maamul goboleedka Hirshabeelle uu amro in la xiro weriye ka howlgala magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle hase yeeshee waxaa hore maamulka Hirshabeelle uu saacado kooban xirey weriyaha ugaga wakiilka ah laanta afka Soomaaliga ah ee Voa gobolada dhexe Xuseen Xasan Dhaqane.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Taleefishinka Universal eek u saabsan xariga Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ugaga soo warama magaalada Jowhar.

HOOS KA DHAGEYSO

 

Loading...