AKHRISO: Dowladda Somaliya Oo Si Weyn Ugu Dhagan Al-Saadicuun Bil Xaq.

Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Somaliya ayaa soo saartay digniin ku aadan in Ururka Al-Saadicuun Bil Xaq aysan yeelan karin wax kulamo ah, sidoo kalena aysan soo saari karin Bayaan cod ama qoraal ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Somaliya ayaa lagu sheegay Kooxdan oo ah kuwa Takfiir dadka Muslimiinta ah inay gaaleysiinayaan, waxaana looga digay inaysan wax kulamo ah yeelan karin.

Cusmaan Aadan Dhuubow Wasiir ku xigeenka Wasaarada diinta iyo Awqaafta ayaa sheegay Culimadda Somaliyed iyo Wasaaradda inay isla garteen Kooxdaan inay tahay Qatar cusub.

Wuxuu sheegay Wasiir ku xigeenka dadka Muslimiinta ah inay u arkaan Kooxdaan kuwa Gaalo ah, taasina ay tahay wax aanan la aqbali karin.