XOG: R/wasaare Kheyre Oo Wali Ku Dhex Shaqeeya Guriga Martida Ee Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wali degan, kuna dhex shaqeeya guriga Martida ee Madaxtooyada ee loo yaqaano Villa Uganda, halkaasoo la dejiyay, kaddib markii la magacaabay bishii February.

Inta badan Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray ayaa degi jiray Guri ku yaalla banaanka Madaxtooyada oo uu degenaan jiray xilligii dowladdii Milateriga Jen. Morgan.

Guriga Martida ee Madaxtooyada oo horay loo oran jiray Villa Uganda, waa meel la dejiyo madaxda iyo martida caalamiga ah, sidoo kale waxay leedahay Hool shirar, balse haatan waxaa ku shaqeynaya Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo lagu qabto shirarka Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wali u guurin gurigii uu degenaa Cumar C/rashiid oo aheyd halka ay degi jireen Ra’iisul Wasaarayaashii ka horeeyay, waxaana la sheegayaa in guriga ay ka socoto howlo dayactir, halka warar kalena sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu doonayo wax ka duwan Ra’iisul Wasaarayaashii isaga ka horeeyay, si loogu arko in isaga iyo Madaxweynaha ay wada shaqeeyaan, ayna isku meel degan yihiin (Gudaha Madaxtooyada).

Golaha Wasiirada ayaa wali yeelan hool shirar u gaar ah, waxay haatan si KMG ah shirarkooda ugu dhacaa Xarunta Madaxtooyada, gaar ahaan Guriga Martida.

Guriga Martida ee Madaxtooyada ee loo yaqaano Villa Uganda, waxaa magacan loo bixiyay, markii uu Muqdisho yimid Madaxweynihii hore ee Uganda Iidi Amiin, xilligaasoo guriga la dhisay.

Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkaa kuwo isku milmay,  maadaama ay isku muuqdaan, waxaana wada shaqeyntooda ay tahay mid xooggan, si ka duwan madaxdii hore.