Waxaa maanta Madaxtooyadda Somaliya lagu soo gaba gabeyay shirkii u socday Madaxda dowladda Federalka Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Shirkaasi ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ay isla garteen Madaxda dowladda iyo madaxda Maamul Goboledyada dalka jira, waxaana Saxaafadda u akhriyay Agaasimaha dhanka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdi Nuur.

Ugu horeyn Madaxda dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada ayaa bogaadiyay kaalinta shacabka Somaliyed ay kaga jiraan gurmadka abaaraha ka taagan Gobolada dalka Somaliya, iyadoo madaxda ay sheegeen inay muhiim tahay in la sameeyo qorshe cad oo looga hortagaayo abaaraha soo noq noqday.

Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada waxa kale oo ay isla garteen in la dhiso Gole amni oo ay yeeshaan Dowlad Goboledyada, Golahaasi oo ay hogaamin doonaan Madaxda Mamul Goboledyada dalka ka jira.

Waxaa kale oo la isla gartay in la taageero qorshe lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Ururka Al-Shabaab, maadaama madaxda ay sheegeen in gurmadkii la gaarsiin lahaa Gobolada qaar ee dalka aanan la gaarsiin karin, iyadoo Shabaab wadooyinka ay go’doomiyeen.

Sidoo kale Madaxda Dowladda iyo Madaxda Maamul Goboledyada dalka ayaa taageeray dadaalada dowladda Federalka Somaliya ay wado ee ku aadan wada hadal siinta Ahlu Sunna iyo Madaxda Maamul Galmudug.

Shirkaan oo socday muddo labo cisho ah ayaa gaba gabadiisa natiijada ka soo baxday sidaasi ay noqotay, iyadoo qodobadaasi madaxda ay isla garteen.