Madaxweynaha CAF Oo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika Ahmed Ahmed, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, markii ugu horeysay tan iyo markii xilkaasi loo doortay.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somaliya Khadiijo Maxamed Diriye iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Somaliyd.

Madaxweynaha xiriirka Kubadda Cagta Qaarada Afrika, ayaa waxaa loo galbiyay Magaalada gudaheeda, isaga oo booqasho ku tagay Garoomadda Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Muqdisho ku dhex yaal.

Garoonkii Kubadda Cagta ee Stadio Muqdisho, balse hadda ciidamada Amisom fariisin Millitari ay ku leeyihiin ayuu tagay Madaxweynaha, halkaasi oo uu soo arkay sida Garoonka u bur bursan yahay.

Sidoo kale wuxuu tagay Garoomo kale oo kubadda Cagta ah sida Stadio Koonis, wuxuuna soo arkay sida Somaliya xilligan ay ugu heelan tahay inay u soo jeestaan dhanka Ciyaaraha.

Mr. Axmed Axmed oo u dhashay Madagascar, ayaa la doortay 16-kii bishii hore, waxaana uu helay codad gaaraayo 34 halka Ciisa Xayaatu oo xilkaasi horay u hayay oo la tartamayay uu helay isna codad dhan 20.