Cabdiwali Gaas Oo Si Weyn U Dhaliilay Mashaariicda Turkiga Ka Wadaan Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhaliil kala dul dhacay mashaariicda Dowladda Turkiga ay ka fuliso Somaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

C/wali Gaas wuxuu sheegay mashaariicda Turkiga ay fuliyaan inay ka dhaxeyso Somali oo dhan, balse aysan laheyn cid gaar ah, wuxuuna sheegay Turkiga mashaariicda ay fuliyaan inaysan soo dhaafin sida uu hadalka u dhigay magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Somaliya inay tahay dal Federal ah, marka la eego sida Turkiga deeqaha uu u qaybiyana wax badan ay ka qaldan tahay, sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne C/wali Gaas.

“Turkiga in badan ayuu Somaliya joogaa illaa 2011 wax shaqo ah oo muuqata kama aaney qaban Puntland deeqda ay siinayaan Somaliya waa mid Somali oo dhan loogu talo galay Gobol gaar ahna xaq umalahan, mar waliba oo deeq waxbarasho ah ay keenaan Xamar iyo agagaarkeeda, Koonfurta Baay Bakool iyo Gedo Jubbooyinka ma soo dhaafaan, dhankan Puntland wax ay ka qabtaan malahan.”

Puntland oo looga bartay dhaliil, ayaa hadda u xuubsiibatay inay si toos ah u weerareen Mashaariicda bilaashka ah ee Turkiga uu siiyo shacabka Somaliyed, iyadoo ay xusid mudan tahay deeqaha waxbarashada in Dowladda dhexe ay u qaybiso maamulada dalka ka jira.

Dowladda Turkiga ayaa shacabka Somaliyed waxa ay ka caawisaa, dhanka Bini’aadinimada, deeqaha waxbarashada, dhismaha wadooyinka iyo dhismaha ciidamada qalabka sida ee Somaliya.