SAWIRRO: Duqa Cusub Ee Muqdisho Oo Xilka Si Rasmi Ah Ula Wareegay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa si rasmi ah ula wareegay xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, kadib xalay xaflad lagu qabtay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

Munaasabada xil wareejinta aheyd ayaa waxaa ka soo gayb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliya iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Duqii hore ee Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlay madashii uu xilka ku wareejinaayay, ayaa sheegay inuu soo qabtay waxyaabo badan oo la taaban kara, kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhismaha wadooyinka laamiyada ah ee Muqdisho qaarkood.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in shaqada Gobolka Banaadir ay tahay arin masuuliyad weyn ah, maadaama shacabka ku nool caasimadda aad wakiil ka tahay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed, ayaa sheegay inuu la imaan doono wax qabad wanaagsan oo ku aadan xilka culus ee loo igmaday, wuxuuna wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Somaliyed.

Taabit ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono ammaanka caasimadda Muqdisho oo Sha baab ay dilal ka gaystaan, wuxuuna sheegay isbedelka maamulkiisa in laga dareemi doono caasimadda Muqdisho.

Madaxda Gobolka Banaadir ayaa waxaa hor yaalla shaqooyin culus oo ay ugu horeyso wax ka qabashada ammaanka Gobolka Banaadir.