RW Khayre Oo Duqa Muqdisho Faray Inuu La Yimaado Qorshe Amniga Wax Looga Qabanaayo.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Somaliya Xasan Cali Khayre ayaa faray madaxda cusub ee Gobolka Banaadir inay keenaan qorshe cad oo wax looga qabanaayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Muqdisho muddooyinkii dambe waxaa ka dhacaayay falal lidi ku ah dhanka ammaanka iyo dilal qorsheysan oo ay geysanayeen dhalinyarada ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay maalmo gudahood in laga doonaayo madaxda Gobolka Banaadir inay la yimaadaan qorshahaasi, ayna u geeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka.

“Gudoomiye Taabit iyo madaxda kale ee amniga inay bilaabaan qorshihii Magaaladan nabad looga dhigi lahaa, waxay keeni doonaan qorshe dhameystiran, una keeni doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha maalmo gudahooda, waxaan bilaabi doonaa koow sidii Muqdisho nabad looga dhigi lahaa, waxaan kaloo bilaabeynaa sidii dalka oo dhan Shabaab looga xureyn lahaa.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay haddii shacabka aysan kaalin muuqato ka qaadan qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho inaysan waxba hagaageyn, sidaasi awgeedna Bulshada laga doonaayo inay muujiyaan doorkooda ku aadan amniga caasimadda.

“Dhamaan shacabka Somaliyed, waxaan ka codsaneynaa inay dowladooda garab istaagaan, amniga waxaa wax looga qaban karaa kaliya dadka Somaliyed marka ay u istaagaan amniga.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisal Wasaaraha.

Hay’adaha amniga dowladda ayaa isku dayaya inay xaqiijiyaan ammaanka Muqdisho oo faraha ka baxay, maadaama xaaladda Magaalada ay noqotay mid cabsi kali ah.