Meydka Laba Ruux Oo Lasoo Dhigay Gobolka Sanaag {AKHRISO FAAHFAAHINTA}

Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in xeebta deegaanka Durduri ee Gobolkaasi lagu arkay meydadka laba ruux oo jirkooda ay ka muuqatay rasaas.

Dadka deegaanka ayaa arkay meydadkaan saaka aroortii, waxayna sheegeen Doon xalay waqti dambe timid xeebta in laga soo tuuray meydadka labadan ruux.

Lama oga cida dishay labada ruux oo sidoo kale dadka deegaanka ay garan waayeen, hayeeshe waxa ay u badan tahay dadkaasi sida dadka deegaanka ay hadal hayaan kuwa ay dileen ciidamada Ajaanibta ah ee Xeebaha Somaliya ku sugan.

“Saxiimad ayaa soo istaagtay xeebta,waxaana ay dejisay labo qof oo mayd ah, kaddibna way dhaqaaqday.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo inta ku daray. “Meydadka waxaa xeebta la keenay waqti ku dhow 3 habeenimo ee xalay”.

Ma jiro war looga hadlay maydadka labada qof ee la soo dhigay xeebta deegaanka Durduri oo ka soo baxay maamullada deegaanka.

Arrintan ayaa ku soo aaday xilli toddobaadyadii ugu dambeeyay ay dib u soo noqdeen weerarrada kooxaha burcad badeeda Somalida,kuwaaso dhowr weerar ku qaaday maraakiib iyo doonyo ganacsi.