Masuuliyiinta Ahlu Sunna Oo La Filaayo Inay Maanta Soo Gaaraan Muqdisho {SABABTA AKHRISO}

Sida qorshaha uu yahay waxaa lagu wadaa maanta oo Axad ah inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, masuuliyiinta Maamulka Ururka Ahlu Sunna ee fadhigooda uu yahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta Ahlu Sunna ee maanta soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa la filayaa inay ka qayb galaan wada hadalka u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna ee dowladda Somaliya gar wadeenka ka tahay.

Saraakiil ka tirsan Ururka Ahlu Sunna, ayaa xaqiijiyay xubno gaaraya 11 xubnood oo ka tirsan Ahlu Sunna inay maanta imaanayaan Magaalada Muqdisho si ay uga qayb galaan wada hadalka.

Madaxda Maamulka Galmudug, gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno kale oo maamulkaasi ka tirsan ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo diyaar u ah inay la fariistaan Ahlu Sunna.

Dowladda Somaliya ayaa dib u dhigtay doorashadii Madaxweynaha Galmudug, sababtana waxa ay aheyd in la wada hadal siiyo madaxda Ahlu Sunna iyo kuwa Galmudug, si looga gudbo khilaafaadka labada dhinac u dhaxeeya.

Shirkaan oo sida qorshaha uu yahay lagu wado inuu furmo gelinka dambe ee maanta illaa beri, ayaa labada dhinac la isugu keeni doonaa, kuwaasi oo isla soo hadal qaadi doonaa waxyaabaha tabashada ah ee labada dhinac ay kala qabaan.