DAAWO SAWIRRO: Sidee Loo Toogtay Ragii Hoobiyaasha Ku Tuuray Saakay Muqdisho?

Dowladda Somaliya, ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku soo bandhigtay labadii nin ee duhurnimadii maanta, ay ku toogteen ciidamada ammaanka ee dowladda.

Tallaabada lagu dilay raggan, ayaa waxay ka dambeysay markii ay madaafiic ka dhex tuureen Degmadaasi Wadajir, ayna ku soo baxeen ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka, ayaa gacanta ku dhigay gaarigii qoriga hoobiyaha lagu siday, inkastoo uu gaariga mar dambe qarxay, xilli la sheegay in horey loo soo saaray walxaha qarxa.

Gudoomiyaha Degmada Wadajir, Axmed Cabdulle Afrax, ayaa sheegay in ay ka warqabeen in gaariga laga soo buuxiyay walxaha qarxa, isla-markaana uu qarxay intii aanay goobtaasi soo gaarin ciidamada miino baarista.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa tilmaamay in lagu daba joogay labadan nin oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, isagoona ku eedeeyay in ay ka dambeeyen dilka Xoghayihii Degmada Wadajir iyo laba askari oo ilaalo u ahayd.

Wasiirka Amniga Gudaha oo gaaray halka uu hawlgalku ka dhacay, ayaa bogaadiyay tallaabada ay ciidamada ammaanku ku dileen xubnaha ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka, ayaa sidoo kale mahadcelin u jeediyay shacabka oo uu ku ammaanay in xogta raggaasi ay la soo wadaageen hay’adaha amniga.

Wasiir Islow, ayaa bulshada Somaliyeed ka codsaday in si dhow ula shaqeeyan hay’adaha ammaanka, si meel looga soo wada jeesto nabadiidka.