AKHRISO FAAHFAAHINTA: Shan Ruux Oo Ku Geeriyootay Gobolka Galgaduud.

Abaarta ka taagan Gobolada dalka Somaliya ayaa sababtay shan ruux oo ka koobnaa hal qoys inay u geeriyoodaan gaajo darted.

Tuulada Tifafleey oo ku dhaw deegaanka Ceelleey oo 150 KM ku dhawaad u jirta deegaanka Baxdo ayaa la soo sheegayaa in arrintani ay ka dhacday.

Nabadoon Cali oo ka kamid ah waxgaradka tuuladan ayaa sheegay, in ay jiraan dad kale oo ku dhaw in iyaguna ay harraad iyo gaajo u dhintaan.

“Qoyska 5 ruux ayeey ka koobnaayeen, cid abaar u jirta oo biyo reerkan u keenay ayaa arkay qoyska oo hooyadi kaliya naf yar ku dambeysay, iyadiina waa ay dhimatay.” Ayuu yiri Nabadoon Cali

Dhanka kale Nabadoonka ayaa sheegay in dadka ku dhaqan Tuuladaasi iyo deegaannada ku dhaw aaney iibsan karin biyaha oo halkii fuusto la iibinayo 180 kun oo shilin Soomaali ah, dadkuna aaney awoodin bixinta lacagahaasi.

Ugu dambeyn Nabadoon Cali ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Somaliya iyo maamulka Galmudug in ay gurmad lasoo gaaraan shacabka ku dhaqan deegaannada ay abaarta daran ka jirto