Maxaa Looga Hadlayaa Shirka Madaxda Maamul Goboleedyada Ugu Furmaya Muqdisho?

Dowladda Dhexe Somaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Wadanka ka dhisan, ayaa kulan ku leh Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu wado in looga hadlo arrimo muhiim ah.

Dowladda Dhexe, ayaa ugu yeertay Madaxda Maamul Goboleedyada in si deg deg ahi ay ku yimaadan Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabaya baaqaasi, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii soo gaaray Magaalada Muqdisho, halka ay hore u joogeen Muqdisho Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Kulankan, ayaa waxaa la qorsheynaya in maanta uu ka furmo Muqdisho, waxaase macquul ah in uu dib u dhaco illaa Sabtida berrito ah.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo hogaamin doono kulankaasi, ayaa waxaa looga hadli doonnaa arrimaha ammaanka dalka, la dagaalanka Ururka Al Shabaab, xoojinta xiriirka dowladda iyo Maamul Goboleedyada iyo shirka bisha soo socoto ee May ka furmaya Magaalada London, oo looga hadlayo arrimaha Somaliya.

Sarkaal Xafiiska Madaxweynaha Somaliya ka tirsan, ayaa Xogta Media u sheegay in muhiimadda kulankan uu yahay in aragti mideysan ay Dowladda Somaliya iyo Maamul Goboleedyada ka yeeshan shirka London.

Si kastaba ha-ahaatee, kulankan oo ka qabsoomi doona Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa noqonaya markiisii ugu horeeyay oo Farmaajo uu si toos ahi u horfariisto Madaxda Maamul Goboleedyada.