Dowlada Mareykanka Oo Ciidamo Si Qarsoodi Ah Ugu Dajisay Magaalada Muqdisho.

Dowladda Mareykanka, ayaa waxay xaqiijisay in ay ciidan ka dejisay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somaliya, ka dib codsi kaga yimid Dowladda Dhexe Somaliya.

Ciidamadan oo tiradoodu aan la garanayn, ayaa waxaa la sheegay in ay tababaro siin doonaan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Saraakiil Militariga Mareykanka ka tirsan, ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ay 2-dii bishan soo gaareen Magaalada Muqdisho, iyagoo ka jawaabaya codsiga kaga yimid Dowladda Somaliya.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika, Pat Barnes oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika uu iskaashi dhinaca amniga iyo kaalmo dhanka ciidamada ahba uu ka fulinayo Somaliya, si loo taageero buu yiri Somaliya oo xulafo la ah Mareykanka.

Campbell, Kentucky oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Mareykanka, ayaa iftiimiyay in toboneeyo ka mid ah Ciidamada Mareykanka, ay 2-dii bishan gaareen Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan, ayaa tababaro bixin doono illaa laga gaarayo bisha October. Tallaabadan waxay qayb ka tahay dardargelinta la dagaalanka argagixisada ee Mareykanku uu ka wado caalamka.

Xukuumadda Washington, ayaa waxaa horey Magaalada Muqdisho uga joogay tiro askar oo tababarayaal ah, kuwaa oo tiradoodu lagu sheegay illaa 53 askari.

Madaxweyne Donald Trump, ayaa bishii hore ee March sheegay in Mareykanku uu ballaarin doono hawlgalada dhinaca cirka ee Somaliya uu kula beegsanayo Ururka Al Shabaab.