Ciidamada Dhar Cadka “Sirdoonka” Oo La Kordhinayo {YAA KA DAMBEEYA?}

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo la kulmay Taliye-yaasha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa amar ku bixiyay in la kordhiyo ciidanka dharcadka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada, ayaa waxaa ka soo muuqday Taliye-yaasha Militariga, Nabad Suggida, Booliska, Asluubta iyo Wasiirka Amniga Gudaha, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in kulanka lagu gorfeeyay amniga Magaalada Muqdisho, dhaqangelinta cago juglaynta Madaxweynaha uu Shabaab u jeediyay iyo culeyska ay ku hayaan Caasimadda.

Madaxweynaha oo warbixino ka dhageystay Taliye-yaasha Ciidamada, ayaa isla qiray qaraxyadii ugu dambeeyay ee Shabaabku ka gaysteen Muqdisho, in ay kaga jawaabayen hadalkii ka soo yeeray, ee ahaa in dowladdiisu ay dagaal la galeyso nabadiidka.

Dhinacyadan, ayaa sidoo kale garowsaday weerarada ismiidaaminta in laga abaabulo gudaha Caasimadda Muqdisho, oo aanay ahayn kuwo Muqdisho bannaanadeeda lagu soo diyaariyo.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) u jeediyay in ay laba laab kordhiso ciidankeeda dharcadka, si xoggo badan kaga keenaan weerarada ay maleygayan maleeshiyada Al Shabaab.

Farmaajo, ayaa Taliska NISA ku amray in ay dusha u ritaan suggida amniga ee Magaalada Muqdisho, halka Talisyada kale ee ciidamaduna ay caawin doonaan.

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ku soo xoogeysanayay weerarada, ay ka gaysanayan xubnaha ka tirsan mintidiinta Al Shabaab.

Shabaabka oo ka jawaabayay hanjabaadda Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhankooda ku goodiyay in dagaal adagi ay la geli doonaan, isla-markaana aanu waxba ka duwanayn madaxdii ka horeysay.