Sida ay sheegayan wararka Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/llaaji Farmaajo ayaa xiriir istiraatiiji ah la sameysatay Imaaraadka Carabta kadib socdaalkiisii koowaad ee uu dalkaasi ku tegay madaxweynaha.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa laga soo xigtay in Farmaajo ogolaaday dhammaan dalabyadii Imaaraadka oo ay ugu horeyso maamulka ilaha dhaqaalaha siiba dekadaha iyo inaysan dowladda ka hor imaan heshiisyada ay shirkadaha Imaaraadka la gelayaan maamulada dalka.

Imaaraadka ayaa noqonaya dowladda koowaad ee Soomaaliya caawin doonto, waxayna booskaas kala wareegeysaa Turkiga oo loolan kala dhaxeeyay xaaladda Soomaaliya, socdaalkii uga dambeeyay waxaa lagu heshiiyay heshiiyo dhowr ah oo qodob ka mida aan la shaacin.

Heshiisyadaasi waxaa ka mida: In Imaaraadku taageero dhaqaale siiyo dowladda Soomaaliya kuwaasoo ay ku jiraan dhaqaale bil waliba lagu kabayo miisaaniyadda dowladda, tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda, mashaariic horumrineed oo la fuliyo iyo deeq abaaraha Soomaaliya.

Taas bedelkeed dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay ogolaatay saldhigga milateri ee Berbera, waxaa kaloo Imaaraadka heshiisyo la geli doonnaa maamulada dalka isagoo maamuli doona dekado iyo xarumo ciidan.

Heshiiskan aan la shaacin waxaa barbar socda rabitaanka Imaaraadka ee ah inay gacanta ku dhigto dekadda Soomaaliya oo la filayo inay la wareegto dekadaha harsan ee Muqdisho iyo Kismaayo.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay war ku saabsan heshiis ay gaareen labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ay ka mid tahay in la isla qiray inay lama taabtaan tahay midnimada Soomaaliya.

Dekedda Magaalada Muqdisho oo ay hadda maamulan shirkad Turkiga laga leeyahay ayaa la filayaa in Dowladda Farmaajo heshiiskii Shirkadaas lagula jiray ka baxdo isla markaana lagu wareejiyo Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, Abaalkii Turkiga u galay Soomaaliya iyo xiriirkii wanaagsanaa ee Turkiga Soomaaliya la lahaa ayaa la soo afjari doono iyadoo la eegayo danaha Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.