DAAWO: Buuq Iyo Nidaam Xumo Hareeysay Soo Dhaweyntii Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Taabid Cabdi.

Is bar bar yaac, Buuq iyo Nidaam la’aan ayaa hareeyay soo dhoweyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed, xilli uu saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo ka yimid Nairobi.

Guddoomiyaha oo maalmihii ugu dambeeyay Dad badan la xiriiray kana codsanay inay si weyn ugu soo dhaweeyaan Muqdisho oo Khamiista uu tagayo ayaa waxaa Garoonka ugu hortagay Masuuliyiin iyo Shaqaale badan oo Gobalka Banaadir ka tirsan waxaana soo dhaweyntiisa ka muuqatay Nidaam xumo qaabka loo diyaariyay.

Taabid ayaa awoodi waayay inuu mid mid u gacan qaado dadka, iyadoo dadka ay is buuranayeen, sidoo kale waxaa layaab lahaa in dad isugu jira Wariyeyaal, Ilaalo iyo Mas’uuliyiin ay ku hareereysnaayeen, dadkana ay riixayeen.

Qaska iyo jahwareerka ka jiray goobta soo dhoweynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa koox dooneysay inay la wareegto Guddoomiyaha oo dadka ka celinayay inay salaamaan.

Guddoomiyaha cusub ayaa durbaba u muuqda inuu ku dhex dhacay, koox lagu yaqaan marka ay Madax la doorto ama yimaadaan inay isku ag maqiiqaan, iyagoo ay ka tahay boos raadsasho iyo ku camirasho.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan Soomaalida ayaa ku caan ah buuqa iyo is bar bar yaaca, marka madaxda soo degaan oo aanay xataa booskooda ku sugin illaa safka salaanta uga imaaneyso.

DAAWO NIDAAM XUMADA LAGU SOO DHAWEEYAY

DHAGEYSO HADALKII UU TAABID JEEDIYA