Madaxweyne Farmaajo “Labo Sanno Ayaan Kusoo Afjareynaa al-Shabaab”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay la furaan Madaxda Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa cadeeyay in ay la fariisanayan Madaxda Al Shabaab, kuwooda diyaarka u ah in ay la hadlaan Dowladda Dhexe, haddii kalana ay cagta marin doonaan.

Madaxweynaha, ayaa ku hanjabay haddii Shabaabku ka dhego adeegan wada hadalada, ay ugu taggi doonaan goobaha ay dalka kaga sugan yihiin, isla-markaana ay ka sifayn doonaan.

Madaxweynaha, ayaa Ururka Al Shabaab xusuusiyay in muddo toban sano ahi ay dagaal ka wadaan dalka, isla-markaana aanay waxba soo kordhin, balse ay dowladdiisu diyaar u tahay in muddo laba sano ku soo afjarto dagaalkooda.

Madaxweynaha, ayaa ballanqaaday in goob kasta oo laga saaro maleeshiyada Al Shabaab ay ka hirgelin doonaan maamul uu deegaanku leeyahay, si dowladnimadii u soo laabato.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa tibaaxay in dowladdu haysato ciidan fara-badan oo awood u leh in ay cagta mariyan maleeshiyada Shabaabka, balse ay marka hore ugu yeerayan miiska wada hadalada.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo, ayaa daba socda hadal uu jeediyay Khamiistii, oo ku aadanaa in Shabaabku isu soo dhiibaan muddo lixdan cisho ah, haddii kalana ay la dagaalami doonaan.