Waxaan la yaabaa, Soomaali badan oo qurbaha ka timid, soona arkay Nidaamyada Dowladeed ee ka jira dalalka ay ka yimaadeen, haddana in aysan weli kala fahamsaneyn awooddaha Madaxweynaha & R/wasaaraha.

Dhowrkii sanno ee ugu dambeeyey waxaa ku jahwareernay Madaxweyne & R/wasaare shaqooyinkii ay u kala xilsaarnaayeen isku qabsanaya, sababtuna waxeey tahay qolada dastuurka inoo soo qortay ayaa ugu talogashay in sidaa madaxa un goroda la isula jiro.

Adduunka, [inta ugu badan] waxaa ka jira 2 nidaam oo ay ku dhisan yihiin Madaxweynayaasha & R/wasaarayaasha: Nidaam shacabku ay soo doortaan Madaxweynaha & Nidaam Baarlamaanku soo doortaan Madaxweynaha ama R/wasaaraha.

Tusaalaha ugu fudud: Talyaaniga Dowladdu waxeey u dhisan tahay qaab 3 awood ah [Baarlamaanka- Golaha Wasiirada-Garsoorka] Madaxweyne meesha ma soo galaayo. Faransiiska waxey ku dhaqmaan nidaamka Madaxweynenimada, oo shacabka ayaa si toos ah u soo doorta Madaxweynaha awoodda dadweynahaa siiyey. Jarmalka waa nidaam Baarlamaani ah xisbiga ugu aqlabiyad bata ayaa R/wasaare noqonaya, waana nidaam ay ku dhaqmaan inta badan dalallka Yurub.

DERISKA: Kenya – Madaxweynaha waxaa soo doortay Shacabka isaga ayaa ah awooddii fulinta. Jabuuti – Madaxweynaha waxaa soo doortay dadweynaha awoodda isaga ayaa iska leh; Itoobiya – Madaxweynaha dadweynaha ma soo dooran haddaad fiiriso madaxweynaha Itoobiya ayaa shir guddoominaya ma maqleysid, R/wasaaraha ayaa shaqooyinka qabta. Su’aasha isweydiinta lehi waxeey tahay Soomaaliya halkeey kaga jirtaa nidaamyadaas.? waayo waxaa muuqata Madaxweynaha oo ku tumanaya awooddii R/wasaaraha, intee lagu arkay Madaxweyne shir guddoominaya shirkii Golaha wasiiradda.?, Waxeey aheyd in madaxweynuhu meel iska fadhiyo, R/wasaaruhu qabto howshii fulinta. Madaxweynuhu wuxuu metalayaa, oo u taagan yahay astaanta calanka.

WQ: Abdifitahaam Ahmed –
Tifaftiraha guud ee Shabakadaha Xogta Media