Madaxweyne MC Farmaajo shalay isaga oo tuute xiran ayuu saxaafadda u yeeray, kuna baaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab. Hadaladiisa waxaa ka mid ahaa; inuu 60 berri u qabtay in ay isku soo dhiibaan dhalinyaro uu ku tilmaamay kuwa la marin-habaabiyey.

Madaxweynuhu intii uusan ku dhawaaqin dagaalka lagu qaadayo Alshabaab waxeey aheyd in marka hore uu ka difaaco kuwa ay maalin walba qaraxa & bastoolooyinka ku dilayaan; [Timirtii hore-ba dab loo waa]. Madaxweynuhu marka uu leeyahay shacabka ha la shaqeeyaan ciidamada, ma wuxuu moog yahay in qofkii shacab ah ee Alshabaab ay ku ogaadaan inuu xiriir la leeyahay Dowladda in ay bartilmaameedsanayaan, shacab aadan difaaci karin [berri] maxaad u hogeysaa.?

Alshabaab maalin walba dilal joogta ah ayeey geystaan, qof albaabka gurigiisa lagu dilay, mid masaajid gudihiisa lagu qaarajiyo, askari isaga oo qori sita la dilay, inta dilal dhacayey oo tiro beelay ma jirto qof loo soo qabtay, shacabku wuxuu Dowladda aamini karaa marka wax yar oo cadaalad ah lagaa arko, haddiise Dowladdii oo aan cadaalad lagaga baran ay shacabka naf ka raadiso taas micnaheedu waxeey tahay: [Waa socon weynee, aan oradno].

Madaxweyne MC Farmaajo haddeey dhab kaa tahay inaad Shabaab la dagaalameyso waxaan u maleynayaa inaadan moogeyn in meel kasta ay ku dhex jiraan, hebel iyo hebel waa Shabaab waanna taqaane soo qabo; beenta iyo huuhaa-da naga dhaaf. Shabaab cid wax ka qaadi karto ma leh meesha ay rabaan ayeey wax ka geystaan, waxaa basaas u wada ah Xildhibaan, Agaasime ilaa Wasiir, nin kasta wuxuu yiri aniga lafaheyga ii nabadgeli ciddaad doontaan anigaa idiin basaasayee; Teeda kale, Shabaab shacabka Xamar waxaa lagu kala saaraa Maxkamado ku yaala deegaanada Alshabaab ay ka taliyaan, waayo garsoorkii Dowladda wuxuu noqday [Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay].

Madaxweyne tuute waa la gashan karaa laakiin dagaalku geesinimo & go’aan ayuu u baahan yahay boolo-xoofto waa ka daalnaye naga daa.

Iska daa Soomaaliya gudaheedee, Shabaab kuwa qaxootinimada Yurub u soo doontay haddeey arkaan mid Shabaab ah oo Yurub joogay ma tilmaami karaan, iyaga oo ka cabsi qaba haddeey sheegaan in ay saameyneyso ehelkooda gudaha dalka ku sugan.

Sidda KELIYA ee Shabaab lagaga guuleysan karo waxeey tahay; In la helo askar tababaran oo diyaar ah in ay dalkooda u DHINTAAN, kuna kalsoon haddii ay Qaranka naftooda u huraan in ay daryeel helayaan qoyskooda, askari u sii jeeda saaxiibkii isaga ka horreeyey oo xabbad ku dhacday u dhintay, deetana qoyskii uu ka tegay dayacan yihiin, haddana dhowr sanno aan mushaar qaadan suurtagal ma ahan inuu si daacadnimo ah u dagaal galo, askartu mabda’ ay u dhimanayaanna waa inuu ahaadaa mid Soomaalinimo ah, wixii intaas aan aheyn waa sheeko baraleey iyo duulaan ujeeddo kale laga leeyahay.

WQ: Abdifitahaam Ahmed
Tifaftiraha Guud ee Shabakada Xogta Media