C/raxmaan Aadan Maxamed {Kampala) Safiir ku xigeenka cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee magaalad Nairobi ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay dood qabsatay baraha bulshada oo ku saabsan xilka loo magacaabay.

C/raxmaan Kampala ayaa uga mahad celiyay madaxweyne Farmaajo xilka uu u magacaabay, wuxuuna digniin u diray dad uu sheegay inay qaran-dumisnimo iyo shilimaad la siiy u mucaaradeen.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO DHIGAY BOGIISA FACEBOOK-GA

Bismillaah

Marka hore waxaan kumahadinayaa Allah (SWC) marka xigtana waxaan mahad gaar ah udirayaa Madaxweynaha JFS Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo garashada iyo fursada uu iisiiyay inaan markale u adeego Umadda Soomaaliyeed, waxaan sidoo kale mahad aan lasoo koobi karin udirayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed oo ii muujiyay kalsoonida ay nafteyda kuqab

aan iyadoo baraha bulshada kuwada xiriirto laga dareemay telephone, email iyo qaabab kaloo badanna igu soo gaarsiiyay dareenkooda taas oo dhiiri galin hor leh nafteyda kasii heshay, waxaan sidoo kale u mahad celinaayaa walaalaha dhaliishooda wax sixidda aheyd oo muujineysa inuusan qof dhameystiran bacda Nabiyullahi (SCW) uusan jirin kuwa dhaliishoodu qaran dumis iyo wax ii ogoloow ku dhisan tahayna waxaan leeyahay walaalaheygiyoow dariiqa aad qaadeen ma qurux badna gadaalna wuu ka xiran yahay hadaad maanta adiga wax ku dheefto oo shilimaad kaasoo galaan bal qiyaas caruurtaada sumcad darrida aad berito usoo jiideysid iyagoo weji gabax aad magacooda usoo jiiday kala kulmi doona kuwa ay isku heerka yihiin ee iskuulada wada dhiganayaan.

Allahuma Balaqtu.

Mahadsanidiin Walaalayaaal.