Madaxtooyada dalka Kenya ayaa ka warbixisay booqashada uu Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ku tagayo dalka Kenya Khamiista soo socota.

Afhayeenka Madaxtooyada Kenya oo todobaadkiiba mar Warbaahinta siiya xogta todobaadka soo socda ayaa shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliya ay dhaceyso khamiista soo socota sidoo kalena Magaalada Nairobi uu Madaxweyne Farmaajo uga qayb gelayo shirka Qaxootiga ee IGAD,kaas oo madaxda IGAD ay ka qeyb geli doonaan.

Booqashada Farmaajo ayaa ah middii Labaad oo uu dalka kaga baxayo tan iyo markii La doortay 8-dii Bishii February ,waxaana Booqashadii Koowaad uu ku tagay Wadanka Sacuudiga.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha Kenya uu Booqasho qarsoodi ah ku yimid Gobolka Jubbada hoose gaar ahaan Degmada Dhoobley,waxaana uu halkaas kula kulmay ciidamo Kenyan ah.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa la sheegayaa ka qaybgalkiisa shirka IGAD, kadib inay is arki doonaan Madaxweynaha dalka Kenya oo ay ka wada hadli doonaan arimaha labada dal.

Kenyaa ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Somaliya, waxaana ciidankooda ay ka hawlgalaan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Al Shabaab ayaa labo mar weeraro askar badan lagu dilay waxa ay ka fuliyeen Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo xeryo ciidamada Kenya ay halkaasi ku leeyihiin.