FAAHFAAHINTA: Weerar Culus Oo Caawa Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Ee Muqdisho.

Xoogag hubeysan, ayaa caweysnimadii caawa weerar ku qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Gobolka Banaadir, oo ku taala Degmada Hodan, iyadoona weerarka laga soo qaaday dhinaca Degmada Dayniile.

Xoogaga weerarka soo qaaday oo tiradooda lagu sheegay 12 nin, ayaa ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo gantaalaha garbaha laga gano, waxayna iska caabin xoogan kala kulmeen Ciidamada Militariga ee ka hawlgala Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Labada dhinac, ayaa iska horimaad muddo 20 daqiiqo socday waxaa uu ku dhex maray afaafka hore ee Xarunta, iyadoo kuwii weerarka soo qaaday lagu khasbay in ay dib u gurtaan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa ku amray ciidamada in ay daba galaan xoogagan, isla-markaana ay ka hortaggaan in ay baxsadaan.

Waxaa adag in macluumaad rasmi ah laga helo haddii uu jiro khasaaro ka dhashay weerarkan iyo haddii kalaba ah, balse waxaa uu ahaa mid laga dareemay xaafadaha ku teedsan Wasaaradda Gaashaandhiga.

Iska horimaadkan oo ku bilowday qoriga sabanka, ayaa daryankiisu wuxuu baqdin geliyay dadka deegaanka.

Waa iska horimaadkii ugu horeeyay oo muddo sanado ah lagu qaado Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, oo saaran wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.