Kullan ay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen Waxgaradka, Odayaasha, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo Haweenka beelweynta direed ayaa waxa ay walaac xoogan uga muujiyeen xubintii ay Beeshaasi ku laheyd xubnaha golaha wasiirada cusub ee dowlada soomaaliya ee lagu wado in dhowaan uu magacaabo R/lwasaare Kheyre.

Qeybaha kala duwan ee beeshaasi ayaa kulankooda si cad waxa ay uga soo horjeesteen in xubintii Beeshaasi loo magacaabey Gudoomiye ku xigeenkii gudiga fulinta ee Doorashada Deeqo Yaasiin Jirde.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa u magacaabaya xubintii Golaha Wasiirada ee beesha Direed xaqa u laheyd Deeqo Yaasiin Jirde in ay beeshaasi xubinta ay ku leeyihiin Xukumadda  u matasho kana mid tahay xubnaha golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan uu magacaabi doono.

Illo wareed ka tirsan xafiiska RW Kheyre ayaa Shabakada Xogta Media u sheegay in Deeqo Yaasiin Jirde loo magacaabayo Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Direed ee kulankaasi isugu timid ayaa si weyn uga hor yimid magacaabista Xubintaasi in ay beel ahaan u matasho  isla markaana soo jeediyay in magacaabista xubintaasi uu ka laabto RW Kheyre ayna jiraan xubno kale oo Aqoonyahano ah ama xilal ka soo qabtey dawladihii hore ee dalka soo marey.

Waxaa is weydiin mudan qaabka lama filaanka eh ee loogu soo darey Liiska Wasiirada Gabadhaan iyadoo ay jireen Shan Xildhibaan oo Beesha Surre ka tirsan oo la shireen Farmaajo gudbiyeen inaan xubinta Golaha Wasirada ku leeyihiin aan loo magacaabin Cabdiqaadir BAQDAADI oo aan u dhalan beelaha SURE horena u kenay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad balse markii dambe ay isku dhaceen.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa Gabadhaan Deeqa Yaasiin Jire u geeyay Madaxweyne Farmaajo iyadoo ugu hiilisay xiligii uu Xildhibaanada u tartamayay waxuuna Farmaajo ka dhaadhiciyay inuu Gabadhaan u magacaabo Wasiirka Beesha Direed

Si kastaba ha ahaatee, Deeqa Yaasiin Jirde ayaa kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga shakisan yahay Diinta ay aamisan yihiin iyadoo dadka u dhow-dhow sheegaan inaysan Tukan oo aad u dhaliisa Diinta Islaamka.

Loading...