Madaxweynaha Jubba-land Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa hungo kala kulmay qorshe uu hordhigay RW Xassan Kheyre, oo ku saabsanaa in kursiga Wasiirnimo ee beesha Ogaadeen kaga soo aadeysa awood qeybsiga Golaha wasiirada cusub loo magacaabo Xildhibaan Geelle oo ah Ku-simaha Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya.

Siyaasiyiin & odayaal-dhaqmeed miisaan ku leh Jubbooyinka, ayaa daadafeeyey, iskana fogeeyey soo jeedinta Madaxweynaha Jubba-land, iyaga oo taageeray C/qaadir Xaaji Maxamed [Dhaqane] oo horay xilal wasiirnimo ka soo qabtay Dowladihii dalka soo maray.

Cabdiqaadir Dhaqane ayaa lagu xasuustaa muddadii uu shaqeynayey inuu ka mid ahaa ragga aaminsan in xalka Soomaaliya aanu ku jirin faragelin shisheeye, balse uu ku jiro in hogaanka Soomaaliya ay qabtaan dad ay dhab ka tahay soo celinta haykalka Dowladnimo.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa xusul duub ugu jiro in Wasiir looga dhigo Xildhibaan Geelle, hasse ahaatee, warar lagu kalsoon yahay waxeey sheegayaan in C/qaadir Xaaji Maxamed [Dhaqane] uu ka mid yahay  xubnaha ku jira liiska Golaha wasiirada cusub.