Wariye Ka Tirsan Idaacadda Shabelle Oo Muqdisho Lagu Dhaawacay {YAA DHAAWACAY?}

Suxufi ka tirsan Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhaawacmay israsaaseyn ciidamada dowladda ku dhexmartay nawaaxiga Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ah Suxufiga dhaawacmay ayaa la sheegay inuu ku sugnaa goob ciidamada Maamulka Degmada Hodan ay ka wadeen howlo bur burin ah.

Ciidan kale oo la sheegay inay ka tirsan yihiin dowladda oo ka carooday bur burinta guryaha lagu haayo ayaa rasaas ku bilaabay ciidamada Maamulka Degmada Hodan, waxaana halkaasi ka dhashay Khasaare.

Wariyaha oo ku sugan goobta ayaa xabadihii ciidamada ay isweydaarsanayeen ku dhacday sida Suxufiyiin Shabelle ka tirsan ay xaqiijiyeen.

Wariyaha ayaa la sheegay gacanta bidix kaga dhacday xabada, iminkana lagu dabiibayo Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta Radio Shabelle waxa ay ku waramayaan xaaladda Wariyaha inay tahay mid wanaagsan oo iminka daryeel caafimaad loo fidiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Idaacadda Shabelle ayaa ka mid ah Idaacadaha ka hawlgala Magaalada Muqdisho oo suxufuiyiin fara badan laga dilay.