RTN Somali TV Oo Kaalinta Koowaad U Galay Tv-yada Afka Soomaaliga Ku Hadla {SABABTA AKHRISO}

Tv-ga RTN Somali oo Muddo Sanad ku dhow jirsaday ayaa qiimeyn la sameeyay waxa uu galay kaalinta koowaad.

Warbixintan oo sanadkii mar lasoo saaro ayaa waxaa lagu qiimeeyaa tayada Tv-yadda ku hadla Afka Soomaaliga kuwaas ka howl gala Gudaha Soomaaliya.

Tv-ga Universal ayaa 3 sano ee lasoo dhaafey galay kaalinta koowaad halka Tvga Qaranka SNTV galay kaalinta labaad kan saddexad ayaa noqday HCTV oo isagana ka howl gala gudaha Soomaaliya halka Somali Cable uu sanadkii lasoo dhaafey galay kaalinta 4aad.

Sanadkan ayaa waxaa warbixintan lagu qorey in Tv-ga RTN ( RAJO TELEVISION NETWORK ) uu galay kaalinta koowaad kadib markii guddiga qiimeynta sameeyo ay ku sheegeyn in RTN Tv uu sameeyo barnaamijyo cusub sidoo kalena waxyaabo badan ka badalay naqshadeynta & quruxda dhanka muuqaalada iyaddo sidoo kale lagu sheegay in Wararka Tv-ga laga baahiyo ay 100% dhex dhexaad yihiin.

Kaalinta Labaad ayaa waxaa galay Universal TV oo ah Tv muddo soo jirey halka Kaalinta Saddexad sanadkan uu galay Somali Cable iyaddo HCTV lagu sheegay in hoos u dhac ku yimid dhanka Wararka oo dhex dhexaad ahayn.

Tv-yada ku hadla afka Soomaaliga ayaa dhawaanahan aad usoo badanaya iyaddo Tv badan horey u jiray ay hawada ka baxeyn kadib hoos u dhac ku imaadey dhanka suuq geyntooda & waliba la socodka daawadayaashooda.