Muddulood Oo Daawade Ka Noqdey Masiibadii Cadale!

Dareenkii ummaddnimo ayaa geeriyoodey, aamusnaan ayaa sharaf la moodey, wax qabad la’aan ayaa la go’aansadey, qawda maqashii waxna ha ka qaban ayaa muuqata, nasiib daro ayaa u soo hoyatey beesha Muddulood, in la qaado talaabo lagu qaboojinaayo dhibaatada Degmada Cadale ayaa lagu guuldareystey.

Masiibo Qaran ayaa maalmo ka hor ka dhacdey tuulo soke dhaw la ah Cadale, dad iyo duunyo ayaa deegaankaasi ku baaba’ay, dagaal beeleed salka ku hayo Aanooyin Qabiil ayaa halkaasi ka dilaacay, wallaalo wada dhashay oo xigto, xidid iyo daris isu ahaa ayaa deegaankaasi ku diriray.

Qasaaro intii dhici kartey wey dhacdey, dhacadadii MADOOBEYD ee AXADA waxay abuurtey cadaawad cusub, waa la kala maatey, fasiraado kala duwan ayaa laga bixiyay siday wax u dhaceen, saadaal aan wanaagsaneyn ayaa laga bixiyay mustaqbalka sida loogu sii wada noolaan karo Magaalo xeebeedka Cadale iyo nawaaxigeeda.

Dagaal Siyaasadeed inuu ahaa ayaa la tuhmay, Isbahaysi beelo ka kooban inay dagaalka ku lug lahaayeen ayaa la caddeeyay, cadaawadii ka dhaxeysay reer Falastiin iyo Yahuuda oo kale ayaa ka dhacdey halkaasi, guryo, beero, ceel iyo hanti kale oo maguurto ah ayaa lagu dhiiradey in la gubo, xididdo goyntaasi looma kala harin qabiilo iskaashadey oo danno Siyaasdeed iyo mid Dhaqaale ku bahoobay ayaa ka qeyb qaatey sal guurintaasi la sameeyay.

Toddobaad ayaa ka soo wareegtey mashaqadii dhacdey, hadal iyo huno-huno mooyee wax ficil ah oo arintaasi wax looga qabanayo laguma dhaqaaqin, shirar ma dhaleys ah oo aan loo dhameyn ayaa la qabtey, natiijo la’aan ayaa lagu kala tagey, been ayaa dhinacyada colaada ka dhex dhacdey midkood laga fidiyay, nabadda lama wada ogola ayaa la shaaciyay, daacadnimo daro iyo wax la duug-duugayo ayaa la arkaa.

Wey habooneyd intii ay goori goor aheyd in usha dhexda laga qabto, waa laga seexdey waqtigii ay laheyd in dadkaasi dagaalamay ciidamo la kala dhex dhigo, dadaal, gurmad iyo ka daba tag in lala yimaado ayaa qumaneyd hase yeeshee waa laga gaabiyay, dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, ganacsatada iyo inta samaha jecel ee ku abtirsata beesha Mudulood ayaa gacmaha ka laabtey sidii deg-deg wax looga qaban lahaa xasuuqii iyo barakicintii lagu dhaqaaqay.

Nasiib daro, ma yara masuuliyiinta wax galka ah ee ka sii jeestey wax ka qabashada mushkiladaasi, hogaankii Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed qeybtiisa fariisinka ku leh Cadale ee masuuliyada ka saarneyd deegaanadaasi ayaa gabey inay gacan ka gaystaan ka hortaga dhibaatadaasi, xilkii ka saarnaa kala badbaadinta ummadda tuulooyinkaasi ayuu Talisku ku fashilmay, warar soo ifbxaya ayaa sheegaya in Taliska Malatariga uu haatan deeganadaasi u joogo dhoola tus iyo is muujin kadib markii uu horey dhagaha uga fureystey baaqyo ku aadanaa inuu ciidamo kala dhex dhigo waqtigii loo baahnaa, arintaasi waxaa cadeynaya sawiro saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ee loo yaqaano SOCIAL MEDIAYAHA.

Caano daatey dabadood ayaa la qabtaa, dagaal Wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho, colaad waa dhacdaa waana laga dhaqmaa, wallaalaha is-dilay kalama maarmaan, ALLE ayaa ku wada beeray dhul qura, waligood daris ayay ahaayeen waayaha soo socdana way ahaan doonaan, suurgal ma aha in qabiil halkaasi laga raro, isma hurtooy ha is helyn ayay taagan tahay, caadifadda qabiil meel ha la iska dhigo, caqligu ha shaqeeyo, dhibka dhacey si cad ha loo wajaho, gardarada lama wada yeelan doono, ciddi lagu soo xad gudbey xaqeeda ha hesho, ciddii saa’id ahna ha loo caqli celiyo.

Taariikh xumo ayaa qormeysa, dagaalka beelahaasi waa soo noq-noqdey, beesha Muddulood oo beealaha is laynaya ay ku abtirsadaan DAAWADE ayay u ek tahay, beeshu fadhiga ha kacdo, Daawashada dagaalka Cadale ha iska dhaatfo, hana la timaado xal sal balaaran oo lagu soo afjari karo dhibaatadaasi isla markaana looga daawoobi karo mashaqadii dhacdey, hana laga fekero si aaney mar dambe arintaasi gocosho dambe u keenin.

WQ: Wariye Shiiqaaloow
Muqdisho, Soomaaliya