Mareykanka Iyo Sacuudiga Oo Iska Riixay Duqeyntii Lagu Dilay Soomaalidii Yemen {YAA KA DAMBEEYAY..?}

Mareykanka iyo Isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa ka hadlay duqeyntii lagu laayay qaxooti Soomaaliyeed oo saarnaa Doon ka baxday Xeebaha Yemen.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo lagu magacaabo Maj. Gen. Ahmed Al-Assiri ayaa sheegay in weerarkaas aysan geysan diyaaradaha dagaalka Isbaheysiga

Waxaa uu sheegay inay tuhunsan yihiin in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxaha Xuutiyiinta, waxaa uu xusay in ciidamadooda aanay ka howl gelin goobahaas.

“Howsheenu ma ahan taas, aagga duqeynta ka dhacday ciidankeena kuma sugna, mana duqeyn, marka waa ay cadahay in dadkaas waxa laayay ay ahaayeen Xuutiyiinta”ayuu yiri Maj. Gen, Ahmed Al-Assiri.

Sidoo kale afhayeen u hadlay waaxda difaaca Maraykanka oo la yiraahdo Adam Stump ayaa asna dhankiisa sheegay inay jirin wax hawlgal ah oo ciidamadooda ka sameeyeen dalka Yemen bad iyo barriba 24 kii saac ee lasoo dhaafay.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa ku eedeysay Sacuudiga inay ku lug laheyd duqeynta, waxaana ay sheegeen in aanay iyaga heysan wax diyaarad ah.

Diyaarada duqeynta geysatay oo ah kuwa qumaatiga u kaca ee Apache A-64 ayaa ah diyaarad ay heysato Sacuudiga, waana diyaarad uu sameeyo Mareykanka.

Qaar ka mid ah dadkii ka bad baaday weerarkii lagu dilay in ka badan 40 ruux oo Soomaali ah oo sida Qaramada Midoobay sheegtay u socday dalka Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo nooceeduna ahaa Apacha ay rasaas aan kala joogsi laheyn la dhacday doonta.

Si kastaba ha ahaatee, 42 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa la dilay markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay  ku weerartay doon ay saarnaayeen xeebaha dalka Yemen.