Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo soo dhiso Xukuumadda cusub, xilli uu soo baxayo is mari waa ka taagan qaabka xulidda Golaha Wasiirada.

Mahad Cawad oo ka hadlayay kulan shalay Baarlamaanka ku yeeshay Muqdisho, kuna ansixiyay qaraarka abaaraha ayuu sheegay in loo baahan yahay in Xildhibaanada ay qeyb ka noqdaan gurmadka abaaraha iyo deegaanada deeqaha la gaarsiinayo, maadaama ay yihiin deegaanadii laga soo doortay.

Waxaa uu sheegay inuu ka dalbaday Hey’addaha fulinta iyo Guddiga Abaaraha inay Xildhibaanada u adeegsadaan howsha gaarsiinta deeqaha, lagana wareysto Xildhibaanada, maadaama ay matalaan shacabka.

“Waa in Xukuumadda si deg deg ah loo soo dhiso, Xildhibaanada waxay kaliya u xayiran yihiin ansixinta Xukuumadda, si gurmadka abaaraha socda uga qeyb qaataan”ayuu yiri Mahad Cawad.

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga doonayaa in 30-ka bishan uu ku hor-keeno Xukuumaddiisa cusub, waxaana mudadaas ka harsan 11 cisho kaliya, waxaana jira xaalado cakiran oo ka taagan qaabka loo soo xulayo Golaha Wasiirada, iyadoo is mari waaga ugu badan uu u dhaxeeya Madaxda dalka oo shaqsiyaad ay rabaan in lagu soo daro Golaha Wasiirada.