Madaxweynaha Turkiga  Recep Tayyip Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in uu xariga ka jaro saldhig ciidan oo ay dowlada Turkiga ka dhistey duleedka magaalada Muqdisho.

Saldhigan Milatari oo dhowaan uu soo booqday taliyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu tababari doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Baaxada saldhigan oo bedkeedu waxa uu yahay 400 oo Hegtar waxaana la sheegay in ay ku baxday lacag gaareysa $50 Milyan

Dowlada Turkiga ayaa ka hirgelisay mashaariic kala duwan dalka Soomaaliya iyadoo ka dhisatay dalka Soomaaliya safaaradeeda ugu weyn qaarada Afrika.

Si kastaba ha ahaatee Booqashada uu ku imanayo magaalada Muqdisho Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ah tii ugu horeysay uu ku yimaado tan iyo markii uu Madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.