Madaxtooyada Kenya Oo Difaacday Socdaalkii Uhuru Kenyatta Ku Tagay Dhoobleey Ee Aan Lala Socodsiin DFS.

Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya, Monoah Esipsu ayaa beeniyey inay Xiisad Diplomaasiyadeed u dhexeyso Dowladaha Somalia iyo Kenya, kadib, booqashaddii uu Madaxweyne Uhuru Kenyatta shaly ku soo booqdy Saldhigga Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Dhoobley ee Gobalka J/Hoose.

Afhayeenka oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa tilmaamay inuu socdaalkaasi caadi ahaa, inkastoo ay Dowladda Somalia ka carootay arrintaasi.

Manoah Esipisu ayaa beeniyey inuu Dagaal Diplomaasiyadeed kala dhexeeyo Somalia, kadib, markii uu Mdaxweyne Uhuru ka gudbay Xuduudka Somalia, iyaoo aan Dowladda Federalka lagu wargelinin.

“Booqashadda Madaxweynaha ee Ciiddankiisa waa wax caadi ah in l sameeeyo, Annagana saas ayaan samaynay. Waxay u ahayd muhiim Madaxweynaha si u uTaageeradiisa u tusiyo Ciiddnkiisa ee ka shaqeynayo sugidda Ammanka ee dlkeenn” ayuu yiri Afhayeenka Aqalka Dowladda Kenya.

Waxa uu intaasi ku daray inuu hubo haddii uu mugdi ka dhex jiro labada Waddan inay kga hadli doonaan Khdadka Diplomasiyadda, waa sida uu hadalka u yiri.

Ugu dambeyntii, Manoah Esipisu ayaa tilmaamay inaysan qaadi doonin wax walaac keenayo, haddii ay jiraan xaallad kale.